Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogatay 5- nin oo la eedeeyay (Akhriso Magacyada)

Al Shabaab ayaa shalay fagaare kuyaala deegaanka Yaaq Baraawe ee gobolka Baay waxa ay ku toogteen shan nin oo lagu eedeeyay in ay ahaayeen Jawaasiis u shaqeysa dowlada federaalka iyo Wadamo Shisheeye.

Dadweyne badan oo ku dhaqan deegaanka Yaaq Baraawe ayaa isugu soo baxay fagaaraha xukunka dilka ah lagula fulinayay shantan nin ay ku eedeeyeen Al Shabaab in ay ahaayeen Jawaasiis.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ee xukunka ku riday ragan ayaa sheegay in ay qirteen dambiga lagu soo eedeeyay ee ahaan Jawaasiisnimo, waxa uuna Qaadiga shantaas nin ku riday xukunka dilka ah ee lagu fuliyay.

Magacyada raga Al Shababa xukunka dilka ah ku fuliyeen ayaa kala ahaa ,Aadan Muuday Maxamad, Ayuub Xasan Maxamed, Maxamed Isxaaq Xasan, Maxamuud Cabdi Isxaaq iyo Cabdi Maxamad Isxaaq.

Al Shabaab ayaa sidan oo kale horey xukuno dil ah ugu fulisay dad badan ay ku eedeeyeen in ay jawaasiis u ahaayeen Sirdoonka dowlada Soomaaliya iyo sidoo kale sirdoonada wadamo kale .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay saraakiisha ciidanka Gorgor (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dowladu wado dedaalo lagu joojinayo dagaalka Tukaraq (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday Masjid ku yaalla..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---