Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax meelo badan laga maqlay ayaa caawa fiidnimadii ka dhacay  magaalada Muqsisho caasimada Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah oo marayey isgoyska Km4.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu dab xoog leh qabsaday, uuna ku gubanayo goobta uu ku qarxay.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo xiray wadooyinka soo gala.

Warar soo baxaya ayaa sheegayta in qaraxan uu ku geeriyooday nin magaciisa lagu soo koobay Moahamed kaariye oo gaariga watay.

Qaraxyada noocan ah ee gaadiidka lagu soo xiro ay mudooyinkan ku soo badanayeen Muqdisho.

Wixii faahfaahin ah ee ka soo kordha kala soco boggan insha allaah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kacdoon shacab oo ka dhan ah Al Shabaab oo Muqdisho laga dhigayo iyo Abaabul socda

Cabdi Cade

Waa kuma Janaraal Xamdan, ninka hoggaaminaya xoogagga Dacmu Sariic ?

Cabdi Cade

Sirdoonka Itoobiya oo xabsi ku guray boqol qof oo lagu eedeeyey argagixisanimo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---