Dad ka badan 70 qof oo ku dhintay Mashaqo ka dhacday dalka Ciraaq (Daawo Sawirro)

Dad ka badan 70 ruux ayaa lagu soo warramay inay ku dhinteen doon maanta ku rogmatay wabiga Tigris ee mara magaalada Muusil ee dalka Ciraaq.

Boqol qof oo la socday doonta dadka looga gudbiyo wabiga ayaa ahaa dad aan dabaal aqoonin, sida uu sheegay madaxa waaxda difaaca dadweynaha ee magaalada Muusil.

Doonta ayaa lagu soo warramay iney ku wajahneyd jasiirad loo dalxiis tago, iyadoo lagu guda jiro dabaal dagga sannadka cusub ee Kurdiyiinta.

Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa wali raadinaya dadka laga yaabo inay wali nool yihiin.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi ayaa amar ku bixiyay in la sameeyo baaritaan lagu ogaanayo cidda mas’uulka ka ah sababta keentay musiibadan.

Qiyaastii 12 ruux ayaa la badbaadiyay ilaa hadda, sida ay mas’uuliyiinta sheegeen, iyadoo Sawirro lagu shaaciyay baraha bulshada ay muujinayeen doonta rogmatay iyo dad dul heehaabayay biyaha korkooda.

Gawaarida gurmadka deg degga iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa gaaray goobta, si ay dadka u badbaadiyaan.

.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -