Somaliland oo dhibsatay hadal kasoo yeeray Ilhan Cumar Somaliland Eedeyna u jeedisay

Maamulka Somaliland ayaa si adag uga carrooday hadal kasoo yeeray xildhibaanada katirsan Aqalka Koongareeska dalka Mareykanka ee Ilhan Cumar, kaddib markii ay si weyn uga hor-timid heshiiskii dhax maray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Ilhan oo ka hadashay xaflad lagu taageerayay guusha madaxweynaha dib loo doortay ee Siciid Deni ayaa sheegtay in ay kasoo horjeedo heshiiskii ka dhacay Adis Ababa, waxa ayna caddeysay inta ay joogto xilka aysan cidna qaadan doonin biyaha iyo dhulka Soomaaliya.

Hadalkan kasoo yeeray xildhibaan Ilhan Cumar ayaa waxaa si weyn uga carrooday maamulka Somaliland , waxa ayna ku eedeeyeen in ay si gaar ah iyaga uga soo horjeedo ayna ku dhaqaaqday ficilo ay dhibsadeen.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cali Xassan Maxamed, ayaa qoraal uu soo soo saaray ku sheegay in Ilhaan Cumar aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay  colaad iyo nacayb ka dhex abuurto Soomaalida dhaxdooda.

Waxaa uu ku eedeeyay wasiirka xildhibaanad Ilhaan Cumar inay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood isla markaana ay nacayb iyo kala qeybsanaan ka dhex abuurtay Soomaalida sida uu tilmaamay.

Wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland ayaa caddeeyay in aysan u dulqaadan doonin xad-gudbka Ilhaan Cumar, waxa uuna sheegay in la joogo xilligii lagula xisaabtami lahaa khaladaadka ay gashay.

Dowladda Mareykanka ay katirsan tahay Ilhan Cumar ayaa si weyn iyana uga soo horjeesatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya dhax maray, waxa ayna Mareykanka ku baaqeen in la dhooro madax-banaannida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -