Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Isgooska Sayidka ee Muqdisho

Qarax aad u xoogan ayaa goordhaw ka dhacay Isgooska Sayidka ee magalaada Muqdisho, qaraxan ayaana loo maleenayaa in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa laga arkayaa uuro madow oo ka baxeysa, waxaana halkaasi laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo loo maleenayo in ay ridayaan ciidamada dowlada ee ku sugan isgooskaasi.

Wali lama oga khasaaraha uu geestay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay Isgooska Saidka oo ah halka ay kutaalo xarunta Baarlamaanka, waxaa sidoo kale meel ku dhaw kuyaala Wasaarada Amniga iyo Arimaha gudaha.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Indsha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Cabdi Xaashi oo qoraal ashtako ah u diray wakiilada beesha caalamka ee Somalia

Caydiid Ali

Golayaasha federaalka Miyaa leh awooda sharci-dejinta dalka? Mise dowlad goboleedyada?

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya dil argagax lahaa oo loo geestay Nasro Cabduqaadir Maxamed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---