Laftagareen oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Sh/Hoose mid cusubna magacaabay

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa sidoo kale wareegtadan lagu magacaabay Guddoomiye cusub.

Madaxweyne Laftagreen ayaa markii saddexaad guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose u magacaabay Ibraahim Aadan Cali Najax , waxa uuna kula dardaarmay guddoomiyaha cusub in waajibkiisa shaqo guto.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa aqoon badan u leh gobolka Shabeelaha Hoose, waxa uuna saddex mar noqday guddoomiyaha gobolkaasi isaga oo sidoo kale xilal kale ka qabtay maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -