Macalin Dil u geestay Arday uu wax barayay oo Xukun dal dalaad ah lagu riday

Maxkamad kutaala dalka Tanzaaniya ayaa xukun dal dalaad ah ku riday Macalin iskuul oo lagu helay in uu garaacis naxariis daro ah ku dilay arday lagu eedeeyay in uu xaday boorso la waayay.

Macalinka xukunka daldalaada ah lagu riday oo lagu magacaabo Respicius Mtazangira ayaa si xun u garaacay ardayga xatooyada lagu eedeeyay, waxaana ardayga markii dambe u geeriyooday garaacista macalinka u geestay.

Eradius oo ahaa ardayga garaacista ku geeriyooday ayaa iska diiday in uu xatooyo ku dhaqaaqay, waxa uuna ardaygan dhiganayay iskuul kuyaala deegaanka Bukoba oo dhacda waqooyiga galbeed ee dalka Tanzania.

Garsoore Lameck Mlacha ayaa ku dhawaaqay in macalinka lagu helay dambiga dilka ah, waxa uuna garsooraha xusay in la helay cadeemo muujinaa dilka sidoo kale macalinka lagu marqaai furay.

Dalka Tanzaania ayaa xukun dil ah oo laga fuliyo waxaa u dambeysay sanadkii 1994-tii, waxaana xabsiyada dalkaasi qaarkood ku xir xiran dad badan oo lagu riday xukuno dil ah balse aan wali lagu fulin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -