Madaxda Sare ee dalka oo ka hadlay geeridii ku timid Wasiirkii dastuurka Somalia

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geeridii lama filaanka aheyd ee maanta ku timid wasiirkii dastuurka Somalia oo ku geeriyooday saaka magaalada Dubai.

Farmaajo ayaa tacsi u diray ehelada, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Wasiir Xoosh oo uu sheegay inuu ahaa halyey shaqo adag u hayey Qaranka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid CabdiraxmaanXoosh Jibriil waxaana uu tacsida u diray ehelada, Qaraabada, asxaabta iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay wasiirka ka tirsanaa xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed Iyo eheladii uu ka baxay Wasiirkii Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Marxuumkana waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo” ayuu yiri raisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo tacsi taas la mid ah diray ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii aas qaran loogu sameyn lahaa wasiirka geeriyooday.

Wasiirkii Dastuurta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Dubai ka dib markii uu xanuun lama filaan ah ku soo booday xili uu halkaas u tegay arooska gabadhiisa oo caawa ka dhici lahaa halkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -