Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumada Somalia oo xil cusub oo muhiim ah u magacowday Max’ed Xuseen Axmed

Raisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Muxumed Xuseen Axmed u magacaabay Madaxa Unugga Isku Xirka Deeqaha.

Mudane Maxamed Xuseen Axmed ayaa ah khabiir 10 sano ka badan ka soo shaqeeyay Arimaha Gargaarka, isagoo la  soo shaqeeyay inta badan Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Bani’aadanimada.

Habka  Isku  Xirka Deeqaha oo muddo soo jiray  ayaa u taagan taaba gelinta iyo socodsiinta hannaanka fullinta qorshaha Qaranka , waana isku xiraha deeqaha iyo taaba gellinta hanaan ay ku wada hadlaan Soomaaliada iyo deeq bixiyayaasha.

Sidoo kale Unugan  Isku  Xirka Deeqaha  waxuu qaban qaabiyaa  shirar kala duwan oo qorshaha Qaranka lagu taabba geliyo sida Hannaanka Wadaagga ee Soomaaliya ( Somalia Partnership Forum) ,Sanduuqa dib u diska Soomaaliya ( SDRF) iyo Shirarka Tiirarka (Pillars).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo baahisay ajnabi weerar ismiidaamin ah ka fuliyey gudaha Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa kala qabsaday Nebi Isxaaq CS iyo labadii Wiil ee u dhalay? (Qiso cajiib ah)

admin

Gantaal ka yimid Xisbullah oo 9 qof ku dilay Israel (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---