(Daawo Sawirro) Kulanka labaad ee Trump & Kim John Un oo ka socda Hanoi

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa kulan madaxeedkoodii labaad ka furay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam, iyadoo Trump uu sheegay inuusan ka laaban doonin dalabka Mareykanka ee ah in Korea-da Waqooyi ay baabi’iso hubkeeda Nuclear-ka.

Kim iyo Trump ayaa is gacan aaday, ayagoo dhoola caddeynaya oo hor-taagan raxan calamada labada waddan ah, kuna sugan hotelka Metropole ee magaalada Hanoi ee caasimadda dalka Vietnam.

Trump ayaa weriyayaasha u sheegay inuu rumeysan yahay in wada-hadallada ay noqon doonaan kuwa miro-dhala, isla markaana Mareykanka uu ku adkeysanayo in Korea-da Waqooyi ay dhigto hubka Nuclear-ka.

“Waxaan sameynay horumar wanaagsan, waxaan u malaynayaa horumarkan ugu weyn waa xiriirkeena, xaqiiqdii waa mid wanaagsan” ayuu yiri Trump.

Mar waxa laga weydiiyey inuu si rasmi ah u shaacin doono dhammaadka Dagaalka Korea, Trump waxa uu ku jawaabay “waan arki doonnaa”

Kim ayaa isna sheegay in isaga iyo Trump ay ka gudbeen caqabado dhowr ah, si loo qabto kulanka ka dhacaya Hanoi, isla markaana ay muujiyeen dul-qaad badan tan iyo markii uu kulankii koowaad ka dhacay dalka Singapore, sanadkii tegay.

Intaas kadib labada hoggaamiyo ayaa gudaha galay wada-hadallo socon doonaa illaa khamiista oo albaabada ay u xiran yihiin, lana mid ah kuwii Singapore.

Ka hor kulanka, Trump ayaa sheegay in Korae-da Waqooyi ay leedahay yididiilo wanaagsan, isla markaana isaga iyo Kim ay doonayaan inay sameeyaan wax weyn.

Inkasta oo ilaa iyo hadda horumar yar un laga sameeyey hadafka Trump ee ah inuu hubka Nuclear ka dhigo Korea-da Waqooyi, haddana madaxweynaha Mareykanka ayaa u muquda inuu isku halleynayo xiriirka shaqsiga ah ee kala dhaxeeya hoggaamiyaha da’da yar ee Korea-da Waqooyi, iyo yaboohyo dhaqaale, kadib colaad 70 sano u dhaxeysay labada waddan.

“Vietnam waa dal horumar wanaagsan sameynaya, Korea-da Waqooyina waxay noqon doontaa sidoo kale, si deg deg ah, haddii ay hubka Nuclear iska dhigto” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka kadib markii uu ka degay magaalada Hanoi.

“Yididiillada waa mid wanaagsan, waxaa jirta fursad weyn oo horey aan taariikhda loogu arag, oo uu haysto saaxiibkey Kim Jong Un, dhowaan ayaan ogaan doonnaa” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -