Mareykanka oo mar kale Lacag badan dul dhigay madaxa Hoggaamiyaha Al Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa baadigoob xooggan ugu jirta hoggaamiyaha ugu sareeya kooxda Al Shabaab, waxa ayna mar kale madaxa ugu sareeya kooxdaasi ee Axmed Diiriye Cali oo loo yaqaan Abuu Cubeyda dul-dhigeen lacag badan oo abaal-marin ah.

War kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in lacag abaal-marin ah oo dhan 10-milyan oo dollar la siinayo ciddii keenta xog lagu soo qaban karo ama lagu dili karo hoggaamiyaha Al Shabaab Abuu Cubeyda.

Hoggaamiyaha Al Shabaab ayaa ku eedeysay Mareykanka fulinta iyo ammarka weeraro dad badan lagu dilay oo ka dhacay gudaha Soomaaliya ,Kenya iyo Jabuuti , waxa ayna Mareykanka sheegeen in Abuu Cubeyda galay dambiyo waaye oo argagaxiso.

“Inta uu hogaaminaayo, argagixisadu Al Shabaab waxa ay weeraro ka fuliyeen Soomaaliya, Kenya, Uganda, iyo Jabuuti kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal qof,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Hoggaamiyaha Al Shabaab Abuu Cubeyda ayaa horey usoo qabtay xilal kala duwan, waxa ayna Mareykanka sheegeen ninkan uu yahay mid aad isku qariya oo qatar badan, waxa sheegeen in uu aad ugu dhawaa hooggaamiyihii hore ee Al Shabaab Axmed Godane.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -