Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faah faahino kasoo baxaya Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeesan ayaa goordhaw Suuqa Degmada Xamar Weyne waxa ay ku dhax toogteen nin la sheegay in uu kamid ahaa ganacsaada Suuqaasi ku iibisa dharka loo yaqaano Huudheyda.

Sida aan Wararka ku helnay dilka ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Afar-irdoodka Xamar weyne, waxaana goobtaasi lagu dilay nin Oday ah oo gaari gacan ku iibinayay dharka Huudheyda sida goobjoogayaal ku warameen.

Kooxihii hubeesnaa ee dilka ka geestay Suuqa Xamar weyne ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halka uu dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska oo sameeyay baaritaano aan natiijo kasoo bixin.

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada dilka loo geestay ninkan  ganacsadaha ahaa , waxaan sidoo kale la ogeyn waxa sababay dilka ninkan odayga oo kamid ahaa dadka  huudheda ku iibiya Suuqa Xamar Weyne.

Dilalka qorsheesan ee loo geesanayo dadka shacabka ah iyo dadka kale ee dowlada katirsan ayaa kusoo badanaya magalaada Muqdisho, xalay ayaana ugu dambeesay oo nin dhalinyaro ah oo Hay’ad u shaqeenayay lagu dilay Xaafada MBC ee degmada Hodan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka Marxuum Maxamed Qanyare oo saakay lagu aasayo Dayniile iyo Masuuliyiin..

Cabdi Cade

Itoobiya oo qiratay in Xassan Shiikh laga hor istaagay xarunta Midowga Afrika (Sababta)

Caydiid Ali

Cumar Filish oo lugaha la galay musuq & dhalinyaradii tababarka loogu qaaday Eritrea oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---