Ma’suul ka tirsanaa Heyad Samafal oo goor dhow lagu dilay Muqdisho

Kooxo Hubeysan ayaa goor dhow oo fiidnimadii ah ku dilay magaalada Muqdisho masuul ka tirsanaa howlwadeenada heyad maxali ah oo lagu magacaano WARDI.

Dilkan ayaa ka dhacay Xaafada NBC ee Degmada Hodan ka dib markii dableyda hubeysan ay rasaas ku fureen masuulkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Cismaan.

Ragga dilka geystay ayaa baxsaday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah, waxaana goobta gaaray oo baaritaano ka wada ciidamada amaanka.

WARDI Relief Organization waa heyad samafal oo  wadani ah kana howlgasha qeybo ka mid ah Somalia, iyadoo  inta badan ka shaqeysa daryeelka iyo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, waana NGO qandaraasyo ka qaata heyadaha caalamiga ah.

Ma Jirto cid sheegatay dilkan oo ku soo aadaya xili maanta duleedka magaalada Muqdisho lagu laayey dad gaaraya sagaal qof oo rag iyo dumar isugu jiray kuwaasoo howlo nadaafadeed ka shaqeynayey ka dib markii ay rasaas ku fureen dabley weerar ku soo qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -