Nin Doonayay in uu Afduubto Diyaarad kusii jeeday Dubai oo la toogtay (Daawo Sawirada)

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dalka Bangaladhesh ayaa toogasho ku dilay nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu doonayay in uu afduubto diyaarad rakaab oo kusii jeeday magaalada Dubai ee dalka Imaaraadja Carabta.

Ninka la toogtay ayaa ku hanjabay in uu diyaarada afduubanayo uuna heesto biskoolad, waxaana diyaarada si deg deg ah u caga dhigatay garoonka Shah Amanat International ee magaalada Chittagong ee dalka Bangalsheh.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa isku gadaamay diyaarada la damcay in la afduubto markii ay soo cago dhigatay, waxa ayna toogteen ciidamada ninka ku hanjabay in uu diyaarada afduubanayo.

Diyaarada afduubka laga bad baadiyay ayaa waxaa iska laheyd shirkada Biman Bangladesh Airlines, waxaana diyaaradan oo kusii jeeday magaalada Dubai la socday 148-qof oo rakaab ahaa, waxaana hada socday baaritaano ku aadan ninkan damcay in uu diyaarada afduubto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -