Waxyaabaha maanka dooriya iyo rag ka ganacsanayay oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirro)

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Xaafada Gubadley ee Degmada Kaaraan waxa ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo ragii ka ganacsanayay.

Howlgalka intii uu socday ayaa ciidamada amaanka waxa ay kusoo qabteen 7-nin oo 6 kamid ah la sheegay in waxyaabaha maanka dooriya ka ganacsanayeen halka ninka kalana uu kufsi geestay.

Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay fuustooyin iyo agab kale oo waxyaabaha maanka dooriya ka buuxeen kuwaa oo lagu hayay guri kuyaala degmada Kaaraan.

Magaalada Muqdisho xaafado kamid ah ayaa lagu kariyaa laguna iibiyaa waxyaabaha maanka dooriya, waxaana booliiska Soomaaliya mararka qaar sameeyaan howlgalo ay kula dagaalamayaan waxyaabaha maanka dooriya oo dhibaato ku haya magaalada.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -