Masuuliyiin ku dhaawacmay dagaal xalay ka dhacay degmada Qoryooley

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya weerar xalay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/hoose, kaasoo ay ku dhaawacmeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaas

Taliyaha Ciidamada degmada Qoryooley ayaa sheegay in weerar gaadmo ay ay ku soo qaaday degmada kooxda Al-Shabaab, balse ay iska difaaceen, waxaana uu sheegay in dagaal kooban uu halkaasi ka dhacay.

Waxa uu beeniyay warar soo baxay oo sheegayay in dagaalkaas ay ku dhaawacmeen guddoomiyaha degmada Qoryooley iyo Masuuliyiin kale, waxaana uu sheegay in dhamaantood ay caafimaad qabaan.

Balse warar madax banaan oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in weerarkii xalay ay ku dhaawacmeen gudoomiyaha degmada Qoryooley, ku-xigeenkiisa iyo Xoghayaha maamulka degmadaas ka dib markii goob ay ku sugnaayeen uu ku soo dhacay madfac ay soo rideen Al-shabaab.

Taliyaha ayaa dhinaca kale sheegay in saaka ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan raggii Shabaabka ka tirsanaa ee weerarka ku soo qaaday degmada Qoryooley.

Lama oga illaa hadda khasaaraha nafeed ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay balse degmada Qoryooley ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay inta badan ka dhacaan weerarada ay geystaan Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -