Gudoonka Aqalka sare iyo Madaxweynaha Puntland oo kulan yeeshay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare.
 
Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, waxaana Guddoonka Aqalka Sare uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa muhimka ah ee samata bixinta Dalka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale kawada hadlay qodabadii kasoo baxay shirkii magaalada Muqdisho ku dhax maray Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dowlad goboleedyada.
Gudoonka Aqalka sare ayaa siyaabo kala duwan kulamo ula qaatay Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira ee magaalada Muqdisho u yimid ka shirkii arimaha doorashada dalka looga hadlayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -