Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Maaliyada Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Bella Bird (Daawo Sawirada)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Haweeney Madax uga ah Bangiga Aduunka qaar kamid ah Wadamada Qaarada Afrika.

Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka eeĀ  Wadamada Soomaaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi ayaa magaalada Muqdisho u timid sidii ay wax uga ogaan laheyd Horumarka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha oo guulo laga gaaray.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa kala hadlayĀ Bella Bird arimo kala duwan ay kamid tahayĀ horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka ka jira, waxa ay sidoo kale labada dhinac kawada hadleen xoojinta wada shaqeynta.

ā€œWaxaa sharaf ii aheyd inaan maanta xafiiskeyga ku qaabilo Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee Wadamada bariga Afrika qaar sida, Somaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi, Waxaan ka wada hadalnay horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka iyo sidii aan u xoojin laheyn wada shaqeynta aan la leenahay World Bank.ā€ayuu yiri Wasiir Beyle.

Magaalada Muqdisho ayaa marar badan waxaa booqasho ku yimid madax sare oo katirsan Bangiga Aduunka, kuwaa oo qiimeyn ku sameenayay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo isbadalka ku yimid hanaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Ciraaq oo Sweden u gudbisay dalab la xiriira ninkii gubay Kitaabka Qur’aanka

Caydiid Ali

Dowlada Turkiga oo ka baxday Heshiis Caalami ah iyo Midowga Yurub oo ka carooday

Cabdi Cade

(Sawirro) Rooble oo labo qodob kala hadlay Guddiga Doorashada Heer Federaal

Caydiid Ali