Allbanaadir.com
NEWS

Khamri iyo Xashiish badan oo lagu qabtay magaalada Burco (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku qabtay Khamri aad u tiro badan iyo Xashiish lagu iibinayay qeybo kamid ah magaaladaasi.

Booliiska Burco ayaa qabtay 904 Dhalo oo Khamri ah iyo Maandooriyaha Xashiishka oo gaaraya Hal Kiilo iyo Bar, waxaana waxyaabahan maanka dooriya ka ganacsanayay dad magaalada jooga.

Xashiishka ay qabteen ciidamada booliiska ayaa qaar kamid ah lagu beeray guri kuyaala magaalada Burco , halka khamriga ciidamada kasoo aruuriyeen qeybo kamid ah gobolka Togdheer.

Fagaare kuyaala Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa lagu bur buriyay Dhalooyinkii Khamriga ahaa halka sidoo kale dab la qabadsiiyay waxyaabaha kale ee maanka dooriya sida Xashiishka.

Deegaanada maamulka Somaliland ayaa si weyn looga isticmaalaa waxyaabaha maanka dooriya sida Khamriga iyo xashiishka, ciidamada booliiska ayaana dagaal kula jira sidii ay waxyaabahaasi maanka dooriya uga hortagi lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo dalkiisa ka eryey diblomaasiyiin British ah (Sababta)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow gaaray Magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose

Caydiid Ali

Weerar Lagu dhaawacay Taliyihii Ciidamada Danab iyo saraakiil kale oo ka dhacay Tixsiile 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---