Ciyaaryahan Xaakim Al Carabi oo Damaanad xabsiga looga sii daayay

Ciyaaryahan Xaakim Al Carabi oo u dhashay dalka Baxreyn kuna xirnaa xabsi kuyaala dalka Thailand ayaa damaanad lagu sii daayay, waxa uuna mudo kadib fursad u helay in banaanka xuriyad ku joogo.

Ciidamada booliiska dalka Thailand ayaa ciyaaryahankan ku xiray bishii november ee sanadkii hore magaalada BangkokĀ  ,kadib markii dowlada Baxreyn codsi lagu xirayo ciyaaryahankan u diray Booliiska caalamiga ee Interpol.

Dowlada Baxreyn ayaa la sheegay in ay ka laabatay codsi ay ku dooneysay in loo soo gacan geliyo ciyaaryahnkan oo horey xukun 10-sano ah loogu riday isaga oo dalka dibadiisa ku maqan.

Ciyaaryahankan oo 25-sano jir ah ayaa lagu eedeeyay in uu weeraray saldhig booliis oo kuyaala dalka Baxreyn, waxaana ciyaaryahankan sanadkii 2014-kii u baxsaday dalka Australia oo magan galyo laga siiyay.

Xaakim Al Carabi ayaa markii lagu xirayay dalka Thailand waxa uu dalkaasi ku galayay aroos, waxaana xariga loo geestay ciyaaryahankan si weyn u cambaareeyay Hay’adaha u dooda xaquuqda Aadanaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -