Soomaalida degan Sweden oo laga raali geliyey War yaab leh oo laga faafiyey

Duqa magaalada Vasteras ee dalka Sweden iyo madaxa shaqaalaha degmadaas, ayaa fariin muuqaal ah raali-galin ku siiyay Soomaalida degan magaaladaas, kadib markii ay cadaatay in xildhibaanad katirsan golaha deegaanka Vasteras, ay war aan sax aheyn ka faafisay Soomaalida.

Xildhibaanadan ka tirsan golaha degmada, ayaa waraaq ay u qortay qaar badan oo kamid ah shaqaalaha dowlada hoose ee Vasteras ku sheegtay in Soomaalidu ay ku qubeystaan biyaha lagu dhaqo qofka meydka ah.

Warqadaas ayaa kusii dhex faaftay maamulka magaalada iyo shaqaalaha degmada, waxeyna gaartay heer aad magaalada gudaheeda looga hadal hayo.

Dalada Midowga ururada Soomaalida ee degmadaas, ayaa falcelin xoogan ka muujiyay arintaas, waxayna xildhibaanadii warqada qortay iyo maamulka degmada ka dalbadeen inay bixiyaan cadeynta arinta Soomaalida laga sheegay, iyo inay keenaan faah-faahinta arintaas Soomaalida aad uga xanaajisay la xiriirta.

Kadib markii ay cadaatay in arintaas ay aheyd arin been abuur ah oo Soomaalida laga sheegay, ayuu duqa magaalada Västerås iyo madaxa ugu sareeyo shaqaaluhu soo duubeen fariin muuqaal ah oo lasoo galiyay webka degmada, taasoo raaligalin lagu siinayo soomaalida.

Xildhibaanadi warkan faafisay, ayaa markii ay sharaxaad ka dalbadeen ururada soomaalida deegaankaas, sheegtay inay qalad fahantay, ujeedada ugu weyn ee ay laheydna ay aheyd ka hortaga faafitaanka xanuunka Corona-virus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -