Taajir 100-Milyan oo Gini hadiyad ahaan u siiyay Jaamacadii uu kasoo baxay !!

Nin Taajir ah oo u dhashay dalka Britain ayaa si lama filaan ah 100-Milyan oo Gini hadiyad ahaan u siiyay  jaamacadda Cambridge ee kutaala dalka Britan uu horey uga baxay Taajirkan.

David Harding ayaa lacagtan tirada badan uu ugu deeqay Jaamacadii uu kasoo baxay soo marsiiyay Hay’ad uu isagu leeyahay, waxa ayna lacagtan noqotay tii ugu badneyd ee la siiyo Jaamacad kutaala Britain sidoo kale uu bixiyo qof dalkaasi u dhashay.

Lacagtan uu ninkan Maalqabeenka ah ugu deeqay Jaamacada  Cambridge ayaa lagu maal galin doonaa deeqda wax barasho ee loogu tala galay dadka sii wadanaya waxbarashadooda heerka ugu sarreeya ee shahaadada PhD-da.

Prof Stephen J Toope oo ah Ku xigeenka madaxa jaamacadda Cambridge ayaa aad usoo dhaweeyay talaabada uu maalqabeenkan ka baxay Jaamacadooda ugu deeqay lacagta Malaayiinta dollar ah.

Lacagta uu Jaamacada Cambridge ugu deeqay taajirka ayaa £79 malyan oo gini oo ka mid ah si toos ah loogu bixin doonaa deeqda wax barasho ee loogu tala galay 100 arday oo diyaarinaya shahaadada PhD-da.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -