Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo mar kale gaadiid xamuul ah ku gubay duleedka degmada Afgooye

Illaa shan gaari oo gaadiid Xamuul ah ayaa shalay galab illaa xalay lagu gubay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, iyadoo dadka degaanku sheegeen gaadiidkan dab qabadsiiyeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Falkan ayaa ka dhacay degaanka Doonka oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye, waxaana la sheegay in gaadiidkaan ay sideen dhuxul, isla markaana ay joojiyeen Ciidamo ka tirsan Shabaab ka dibna ay dab qabad siiyeen.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa xaqiijiyay in gaadiidkan la gubay qaarkood xalay kuwana shalay galinkii dambe.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Al-Shabaab ay ku gubeen isla degaankan todoba gaari oo xamuul ah oo la sheegay inay waddeen dhuxul, lamana oga illaa hadda sababta ay kooxdan u beegsaneyso gaadiidkan dhuxusha sida, mana jiro illaa hadda war ay ka soo saareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo fashiliyay qaraxyo xooggan oo Al Shabaab diyaariyeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo shaacisay qiimaha Xajka ee sanadkan

Caydiid Ali

Soomaali badan oo baxsad ah oo ku xayiran Xadka ay wadaagaan Ukraine iyo Poland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---