Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadlay dhiibistii C/kariin Qalbi dhagax

Madaxweynaha Somalia Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhiibistii C/kariin Qalbi-dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jabhadda ONLF kaasoo sanadkii hore dowlada Somalia u gacan gelisay dowlada Itoobiya.

Wareejinta Qalbi-dhagax ayaa noqotay dhacdo si weyn u gilgilshay dowlada Somalia, caro badana ku abuurtay dad badan oo Soomaali ah.

Farmaajo oo ka hadlayey barnaamij ay Idaacadda BBC-du toos ugu weydiinaysay su’aalo ka yimid dadweynaha ayaa isagoo aad uga gaabsanayey arintan waxaa uu sheegay inuu taageersan yahay go’aankii ay arintaas ka qaateen baarlamanka Somalia.

“Waa su’aal muhiim ah, C/kariin Qalbi dhagax waxaa arintiisa baaritaan ku sameeyey baarlamanka Soomaaliyed, go’aan ay u codeeyeen bayna ka soo saareen kaas ayaana taageersanahay” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Guddigii baaritaanka arintaas uu u xilsaaray baarlamanka Somalia ayaa sheegay in dhiibista qalbi dhagax ay ka dambeysay heyadda nabad sugida Qaranka, waxaa markii dambe baarlamanku isku raacay in falka lagu dhiibay ninkaas uu ahaa mid sharci daro ah.

Go’aanka Baarlamanka ayaa meesha ka saaray hadalkii ka soo baxay shir ka horeeyey ay isugu yimaadeen golaha wasiirada Somalia oo lagu difaacay dhiibista Qalbi dhagax oo ay sheegeen inuu ahaa nin argagaxisada gacan siiya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha oo ka jawaabayey su’aal kale oo aheyd halka ay ku dambeeyeen wadahadalkii dowladu kula jirtay Somaliland ayuu sheegay in dhowaan dib loo biaabi doono, wuxuuna xusay in wadahadalaas ay yihiin kuwo muhiim ah oo qeyb ka ah siyaasada dib u heshiisiinta e dowladiisu ay dalka ka wado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo Diyaarado dagaal iyo Ciidamo geeyay Venezuela (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Siyaasi ku dhawaaqay in Maamul goboleed cusub dhisayo oo lagu xiray Somaliland

Cabdi Cade

Farmaajo oo si kulul uga hadlay dilka Xildh. Boqore, amar culusna siiyey laamaha aminga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---