Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shirka xoojinta amniga & Caddaaladda dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Tubta amniga iyo Caddaaladda oo looga hadlay dardar-gelinta howlaha iyo halbeegyada hay’adaha iyo wasaarahada ku midaysan tubta ee la xariira sugidda amniga iyo horumarinta caddaaladda dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, wasiirro, taliyeyaasha ciidanka qalabka sida hey’adaha amniga gobolka ayaa ka qayb galay kulanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay dhammaan hay’adaha iyo Wasaaraha halbeegyada ku leh tubta in lagula xisaabtamayo fulinta halbeegyadii ay kula heshiiyeen ra’iisul wasaare Khayre inay ku dhammaystirayaan sannadkaan 2019.

Tubta amniga iyo cadaaladda oo ka mid ah afarta tubood ee qaranka ee lagu saleeyay barnaamijka xukuumadda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn waxaa ka mid ah dhamaystirka qorshaha kala guurka ee ciidanka Qaranku ay kula wareegayaan amniga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Fiqi oo u kicitimay New York & Somalia oo xaqiijineysa arrin taariikhi ah

Caydiid Ali

Booliiska oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Xamarweyne iyo Khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

Qoyska Caa’isha Ilyaas oo cabsi iyo Cadaalad daro uga guuray magaalada Gaalkacyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---