Maamulka G/Banaadir oo gabay Shaqadiisa iyo shacabka Muqdisho oo isku tashaday (Daawo Sawirro)

Maamulka gbolka Banaadir ayaa u muuqda mid ku fashilmay waajibaadkii shaqo ee looga fadhiyay, waxaana markan shacabka Muqdisho dantu biday in ay isku tashadaan oo qabsadaan shaqadii waajibka ku ahaa maamulka gobolka.

Qaar Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan dambe noqday kuwa xirmay iyo kuwa ay ka jirto nadaafad daro baahsan, waxaana shaqadii laga rabay gobolka kaga mashquulay arimo kale oo aysan dami ugu jirin shacabka Muqdisho.,

Maamulka gobolka Banaadir ayaa inta badan waqti iyo qarashba ku bixiya xaflado iyo munaasabado aan wax faa’iido ah ugu jiri shacabka Muqdisho, waxaana madaxda gobolka warba u heyn xaalada ka jirta qaar kamid ah Degmooyinka gobolka Banaadir.

Shacab isku tashay ayaa markii ay ka quusteen maamulka gobolka Banaadir waxa ay saakay bilaabeen in ay furaan wado uu xiray roob iyo dhiiqo badan , wadadan dib loo furayo ayaa ka baxda Isgooska Fagax iyada oo aada dhinaca Ex-Control Balacd.

Shacabka ku dhaqan xaafadaha ku dhaw dhaw wadadaasi mudo xirneyd , wadayaasha gaadiidka ee dhibka ku qabay in ay xaafadaha dhax maraan iyo dad kale oo isku tagay ayaa bilaabay in ay dib u furaan wadaasi oo caro iyo dhiiqo badan xiray.

Gaadiidka kala duwan ee maamulka gobolka Banaadir ee loogu tala galay nadaafada ayaa inta badan la sheegay in gacanta loo galiyay dad dano gaar ah ku fushada, halka kuwa kalana ay garaashyo iska yaalaan iyadoona aysan jirin cid ugu adeegta caasimada.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa ah shacabka kaliya ee bixiya canshuurta dowlada Federaalka iyo maamulka gobolku qaado, hadana shacabku ma helaan adeegyada aasaasiga sida dhismaha wadooyinka, waxbarasho iyo caafimaad lacag la’aan ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -