Muuse Biixi oo eedeymo kulul u jeediyey Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta eedeeyn kulul u jeediyay madaxweynaha federaalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Biixi oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay aasaaska ciidamada Somaliland ayaa sheegay in tan iyo markii madaxweyne Farmaajo la doortay uu ku hawlanaa wuxuu ku tilmaamay cunno-qabataynta Somaliland.

“Waxaa yaab leh in dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ee Xamar ka dhisani ilaa maalintii la doortay ilaa maalinkaa maanta ah ay weerar joogto ah oo qaawan oo dhinac walba leh ku hayaan Qaranka Somaliland, Dagaaladaa laga sheekaynayey waa joogto, Dagaalka Dhaqaale waa joogto, ka Cuna qabatayni waa joogto, ka been abuurka ahi waa joogto.” ayuu yiri Biixi.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in madaxda Soomaaliya dagaal kale ku hayaan maamul goboleedyada ka jirta Soomaaliya.

“Waxaan arkayaa dawladda maanta Xamar ka dhisan ee Baydhaba weeraraysa ee dadka ku laynaysa, ee Kismaanyo u hub samaysanaysa ee Puntland dirqi kaga baxsatay ee Somaliland dagaalka ku haysa ee iyada ay ilaalinayaan ciidamada Qaramada Midoobay, ilaahay waxaan uga rajaynaynaa inuu Fidnadeeda inaga nabadgeliyo, innaguna waynu u diyaar garoobaynaa wixii ay dhibaato inoola yimaadaan dhinacwalba inaynu iska daafacno. Waxa soo baxay oo Dawladda Xamar ee Farmaajo iyo Kheyre keeneen inay yiraahdaan Somaliland xadkii Ingiriiska iyo Talyaanigu dhigteen Xuduudihii isticmaarka ee Africa lagaga tegay aqbali mayno, ee waxaanu samaynaynaa xad beeleed” ayuu intaa ku daray Biixi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Muqdisho laga soo ceyriyey qaar ka mid ah siyaasiyiintii la tartamay madaxweyne Farmaajo.

“Waxaa kale oo la yaab leh markii la dooranayey Farmaajo waxaa la tartamay oo raggii meesha ugu aqoon badnaa ugu cadcaddaa ka mid ahaa Axmed Ismaaciil Samatar, Markii doorashadii xamar dhamaatayna waxaa la yidhi orod dalkaagii qabo oo ku noqo, waxaanu ahaa ninka juhdiga u badan geliyey Soomaali weyn, Axmed Ismaaciil Samatar wuu inoo yimi wuu inoo waramay, Ismaaciil Buubaa baa ka horeeyey oo Toban sanno u ahaa Wasiirka Khaarajiga wuu inoo yimi wuu inooga waramay waxa meeshaa yaalla.” ayuu yiri Biixi.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu gadaal-ka-riixayay dagaalladii soo laalaabtay ee Deegaanka Tukaraq ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -