Allbanaadir.com
NEWS

Nin Miino uu aasayay ku qaraxday iyo Masuuliyiin booqatay halka uu qaraxu ka dhacay (Daawo Sawirro)

Waxaa xalay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay qarax Miino oo la sheegay in ay ku qaraxday nin ku aasayay inta u dhaxeysa magaalada Baladweyne iyo Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil kale oo katirsan ciidanka dowlada ayaa saakay tagay halka uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna goobtaasi ku arkeen meydka qofkii qaraxaasi ku dhintay.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan in ninka qaraxa ku dhintay uu damacsanaa in dad masaakiin ah oon waxbo galabsan ku laayo qaraxaasi balse isaga uu ku dhintay .

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay shacabka gobolka in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago dilalka iyo qaraxyada uu sheegay in Al Shabaab ku beegsanaaan dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo la Dar daarmay xubno uu ku jiro Ahmed Jumah (Sawirro)

Cabdi Cade

Koongareeska Mareykanka oo heshiis KMG ah ka gaaray arrin muhiim ah

Cabdi Cade

Dowlad reer galbeed ah oo shaacisay iney qaadaneyso hal milyan oo Qaxooti ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---