Allbanaadir.com
NEWS

Xamse & Madaxda Dowlad goboleedyada oo caawa booqday xeebta Liido (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa ka qeybgalay Casho Sharaf uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ku maamuusayay Madaxda ka qeybgashay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Munaasabadda Casho sharafta waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS, Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Madaxda ayaa cashada kadib waxa socod ku mareen xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis iyagoo halkaasi ku salaan qaaday qeybo ka mid ah bulshada Caasimadda uu fiidsanaayay Xeebta Liido.

Related posts

Magacyada raggii Macalimiinta ku laayey gobolka woqooyi bari Kenya oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Haweeney Afrikaan ah oo ku guuleysatay tartanka Quruxda dunida (Sawirro)

Caydiid Ali

Xusuusta maanta oo kale 21kii Oktoobar intii u dhexeysay 1969-1990 (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali