Maanta oo kale 26-kii Janaayo sanadkii 1991-dii waxay ku beegan tahay markii xukunka dalka laga tuuray ALLAHA u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre madaxweynihii Dowladdii milateriga aheyd ee dalka ka talineysay muddO 21-ka sano ah, ka dib markii Jabhado ku kacay xukunkiisa ay ugu dambeyntii caasimada kula dagaalameen ka dibna ka saareen.

Inkastoo marxuum Maxamed Siyaad Barre lagu eedeeyo  ku xad gudubka diinta Islaamka iyo  ku Takri falka awooda iyo hantida Qaranka ayaa haddana laga soo bilaabo xiligii xoriyada la qaatay oo aheyd 1960-kii illaa ilaa xiligan burburka lama hayo cid qabatay wax ka wanaagsan wixii uu u qabtay dalka iyo dadka Somaliyeed.

Dowladii Kacaanka ayaa dalka ka abuurtay hanaan dowladnimo oo dhameystiran gacan bir ahna ku jiray, waxaana waxyaabaha lagu xusuusto Dowladaasi ka mid ahaaa waxbarasho lacag la’aan ah min Dugsi hoose illaa heer Jaamacadeed taasoo ay adkeyd in laga soo helo dal kale oo Afrikaan ah, ciidamo tayeysan oo mar noqday kuwa ugu fiican qaarada Afrika, amaan buuxa oo xiligii aad doorto socon karto. Adeegyo bulsho sida isbitaalo waaweyn oo lacag la’aan ah, koronto qiimo Jaban iyo waxyaabo kale oo aan la soo koobi karin.

Dhibaatooyinka ay dadka ku sheegan jireen xukunkii marxuum MSBare waxaa ka mid ahaa caburin dhinaca xoriyatul qowlka ah, Musuq-maasuq markii dambe baahay, xarig iyo dil lagula kici jiray cidii loo arko iney khatar ku tahay Dowladda, iyo kuwo kale kuwaasoo sababay in dadku ay u sacaba tumaan Jabadihihii ku kacsanaa oo xiligaasi loo arkayey kuwo keeni kara isbedelo iyo xukun furfuran oo dhaama kii kacaanka inkastoo lagu hungoobay ka dib markii ay dalka geliyeen dhibaatooyin ka baaxad weyn tii ay ka dagaalameen oo illaa maanta saameynteeda ay dalka ka jirto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -