Allbanaadir.com
NEWS

Wafdi Mareykan ah oo arrin xasaasi ah u yimid Muqdisho

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay saraakiil ka socda hay’adda amniga garoommada diyaaradaha Mareykanka ee TSA inay soo gaareen Muqdisho ,

Waxay qiimeynayaan hay’adaha amniga garoonka diyaaradaha caasimadda Muqdisho ee Aadan Cabdulle, iyadoo la sheegay saddex maalin oo saraakiisha TSA ay ku sugan yihiin Muqdisho inay la kulmi doonaan maamulka iyo laamaha kale ee garoonka oo ay ka wada-hadlayaan  horumarinta amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, sida uu baahiyay telefishinka dawladda.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay; “Kullamada ayaa gogol xaar u noqon doona sidii lagu gaari lahaa in diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho ay si toos ah uga degi lahaayeen garoommada diyaaradaha dalka Mareykanka.”

Hay’adda amniga garoommada iyo gaadiidka  Mareykanka ee TSA, waa wakaalad ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka .

Waxaa loo dhisay in ay jawaab u noqoto weeraradii September 11 , ee daaraha ganacsiga New York lagu qarxiyay diyaaradda, si loo hagaajiyo nidaamka amniga garoonka diyaaradaha iyo xoojinta amniga safarka hawada. Si kastaba ha ahaatee, shaqada koowaad ee TSA waa ammaanka garoommada diyaaradaha iyo ka hortagga afduubka diyaaradaha. Waxay mas’uul ka tahay baaritaanka rakaabka iyo shandadaha ee in ka badan 450 garoon diyaaradeed oo ku yaalla Maraykanka, shaqaaleysiinta saraakiisha baaritaanka iyo kuwa ka hortaga walxaha qarxa.

Laga billaabo sannad xisaabeedka 2023, TSA waxay ku shaqeysay miisaaniyad ku dhawaad ​​$9.70 bilyan, waxayna shaqaaleysiisay in ka badan 47,000 oo Saraakiisha Amniga diyaaradaha iyo gaadiidka kale ee dadweynaha oo ay ku jiraan tareennada iyo khabiirada amniga gaadiidka.

Related posts

Maraykanka oo fariin cusub u diray Madaxda DF iyo dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Wiil uu Dhalay Gudoomiyihii gobolka Banaadir oo xil loo magacaabay (Akhriso)

Cabdi Cade

Dowlada Mareykanka oo qorsheyneysa iney magangelyo siiso dad milyan ku dhow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---