Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Boqolaal qof oo ka qeyb galay aaska wiilal Soomaali ah oo lagu dilay Weerarkii Nairobi (Sawirro)

Boqolaal qof ayaa galabta kaga qeyb galay qabuuraha muslimiinta ee magaalada Nairobi aaska wiilal Soomaali ah oo ka mid noqday dad badan oo lagu dilay weerarkii shalay ka dhacay magaaladaas.

Faysal Axmed Rashiid iyo Cabdalla Sheekh Maxamed Daahir oo ka soo jeeda gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa u shaqaynayey hay’ad kuwa gargaarka ah oo laga leeyahay dalka Britain.

Labada wiil oo saaxiibo ayaa xilliga la dilayey waxay ku qadaynayeen maqaayad ku taalla hoteelka la weerarey ee Dusit oo ay gudaha u galeen dabley ka tirsan Al-shabaab.

Soomaalida ku nool magaalada Nairobi iyo gaar ahaan eheladooda ayaa si weyn uga naxay geerida wiilashan.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in 14 qof oo rayid ah ay ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hotel Dusit oo ku yaalla magaalada Nairobi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Sawirro) Shirkii IGAD oo la soo gebagebeeyey & Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey..

Caydiid Ali

Deni oo degaano miyi ah ku booqday qoysas ay abaartu saameysay (Sawirro)

Caydiid Ali

Naadigii K/Cagta ee Munishiibiyo oo 28 sano ka dib boorka laga jafayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---