Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo kashifay sir culus oo ku saabsan Weerarkii hotel Dusit

Booliska Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay cidda lala beegsanayay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Dusit ee Magaalada Nairobi.

Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo la yiraahdo Mwira Mungania ayaa u sheegay warbaahinta in

weerarkaas uu ahaa mid lala beegsanayey shir ay dowladda Mareykanka soo qaban qaabisay oo lagu waday inuu ka furmo Hotelka.

Mwira ayaa intaas ku daray in shirkaasi saacado yar ka hor weerarka laga beddelay hotelka Dusit, loona wareejiyay meel kale balse ma sheegin sababta loo wareejiyey shirkaas iney la xiriirtay tuhun la xiriira amniga iyo in kale.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Ragga Hotelka weerary ay u suuragali weysay inay tagaan hoolka shirka lagu qaban lahaa oo aysan jirin cid joogtay, kaddibna ay isku qarxiyeen banaanka, halka inta kalena ay dhismayaal kale ka dhex dagaallameen.

Sababta keentay in Maraykanku uu saacado ka hor ka wareejiyo hotelka la weeraray shir uu ku qabsan lahaa ayaa dhalisay shaki badan, waxaana dadka qaar ay aaminsan yihiin in laga yaabo maraykanku iney heleen digniino la xiriira weerar soo fool leh balse aysan xogta arintaas la xiriirta la wadaagin laamaha amniga Kenya.

Dhinaca kale, booliska Kenya ayaa u dhacay guri uu Nairobi ka degenaa nin Kenyan ah oo ka tirsanaa kooxda weerarkan fulisay, iyagoo ka helay waxyaabo qarxa, waxayna soo xireen labo haween ah oo ku sugnaa gurigaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -