Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo ka laabtay hadal uu dhowaan siiyey Warbaahinta

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa  Shir Jaraa’id oo uu  ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Indha-Qarshe ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uusan marnaba  ku xad gudbi doonin Sharciga u degsan dalka.

Taliyaha ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto dagaal ama howlgal ay horgeyn doonaan sharciga.

S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa sheegay in hadal uu dhowaan jeediyey ay si qaldan u turjumeen warbaahinta, kaasoo ahaa in la dili doono ragga ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto Howlgalada.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa xusay in ujeedada Ciidanka Xoogga dalka ay tahay inay si adag ula dagaalamaan Al-Shabaab, Balse aysan ku xad gudbi doonin sharciga iyo kala dambeynta u dagsan dalka.

Taliyaha ayaa u muuqda inuu ka laabtay hadal uu dhowaan sheegay oo ahaa in ciidamada Xoogga dalka ay dili doonaan iyagoo aan maxkamad soo taagin xoogaga Al-shabaab ee lagu qabto dagaalada iyo howlgalada, maadaama Al-shabaab aysan iyaguba ay si naxariis daro ah ula dhaqmaan ciidanka XDS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Dagaalka argagixisada haddii aan laga taxadarin waxaa ka dhalan kara..”

Caydiid Ali

Farmaajo oo diidan dibed-baxa Midowga Musharixiinta & Rooble oo go,aan geesinimo leh qaatay & Cumar Finish oo …

admin

Daawo Sawirada : Quruxda Xaafada Daarusalaam iyo sida maanta loogu damaashaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---