Sayid Cali Shiikh Max’ed oo sharci daro ku tilmaamay xilka ka qaadista lagu sameeyey

Ka dib qoraal ka soo baxday guddiga doorashooyinka Qaranka oo lagu sheegay in xilka guddoomiye ku-xigeenka guddigaasi laga qaaday  Sayid Cali Shiikh Maxamed ayaa waxaa xil ka qaadistaasi ka soo horjeestay gudoomiye ku xigeenka la sheegay in xilka laga qaaday.

Sayid Cali Sheekh Maxamed oo shir jaraa’id qabtay  ayaa qalad ku tilmaamay hanaanka loo soo maray xil ka qaadistiisa, waxaana uu sheegay in kaliya Baarlamanka Soomaaliya ay xilkaasi ka qaadi karaan, maadaama markii lagu ansixiyey codka xildhibaanada.

“Xaliimo Yarey iyo xubnaha kale ee guddiga malahan awood sharci ah oo ay aniga xilka iiga qaadi karaan, guddigeena waxaa mid mid u ansixiyey baarlamanka, isla codka baarlamanka ayaana shaqada looga fariisin karaa” ayuu yiri masuulkan.

Waxa kale oo uu sheegay in Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Qaranka ay  qaladaadkeeda ku qarineyso wax uu ku tilmaamay xil ka qaadista sharci darada ah ee isaga lagu sameeyey.

Waxaa uu xusay in dhawaanahanba guddiga doorashooyinka uu ka dhex jiray khilaaf culus, ayna guddoomiyaha gudiga u horseeday guddigaasi fashil, wuxuuna xusay inuu hortegi doono baarlamanka, wax walbana ka sheegi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -