Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Iska horimaad xooggan oo ka dhacay Magaalada Jowhar iyo khasaare ka dhashay

Iska horimaad  culus ayaa maanta duhurnimadii ka dhacay magaalada Jowhar kaasoo dhexmaray ciidamada Maamulka Hirshabelle iyo ciidamo ilaalo u ah guddoomiye ku-xigeenkii hore ee dhinaca amniga gobolka Sh/dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadkan uu bilowday ka dib markii ciidamo ka sugnaa Kontrolka Woqooyi magaalada Jowhar ay is hor taageen gudoomiye ku-xigeenkii hore iyo ilaaladiisa oo doonayey iney magaalada soo galaan.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga gobolka Shabeellaha Dhexe Nuur dheere ayaa la sheegay inuu ka yimid tuulooyin hoostaga Magalada Jowhar.

Ugu yaraan laba ruux oo oo kala ahaa Haweeneey iyo Nin oday ah  ayaa dagaalkaas ku dhintay, lamana oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Ciidamadii ku dagaalamay  Kontaroolka laga soo galo Magaalada Jowhar ee ku yaalla Wadadada aada dhinaca Garoonka Dayuuradaha ayaa la sheegay iney weli halkaas isku fadhiyaan, inkastoo ay yaraatay rasaastii ay isweydaarsanayeen.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa goor dhow ku baxay mashaqadan, iyagoo isku dayaya iney dejiyaan xiisada ka taagan kontrolka woqooyi Jowhar, mana jiro wax war ah oo illaa hadda ka soo baxaty maamulka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo heshay Sir culus & Mareykanka oo ka walaacsan

Caydiid Ali

MSF oo sheegtay inuu go’ay xiriirkii ay laheyd Isbitaalka Shifa ee Gaza oo la duqeeyey

Caydiid Ali

Markab dagaal oo Turkiga leeyahay oo maanta imaanaya Muqdisho iyo Madax sare oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---