Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kaniisada ugu weyn Bariga dhexe oo laga furay Mid ka mid ah dalalka Islaamka (Daawo Sawirro)

Madaxwaynaha Masar Cabdulfatax Al-Sisi ayaa xarigga ka jaray kaniisada ugu wayn ee laga dhiso bariga dhexe oo laga dhisay magaalada Qaahira.

Sisi oo isku tilmaama inuu yahay nin ka difaaca Masiixiyiinta kooxaha xagjirka ah ayaa u sheegay dadkii isugu yimid furitaanka Kaniisadan in hal mar la wada furo masaajidka Al-Fatax Al-Aliim iyo kaniisadan ay tahay fariin nabadeed.

Ammaanka xafladda lagu furayay Kaniisadan cusub ayaa aad loo xoojiyey, iyadoo la xiray dhamaan waddooyinka soo gala oo ciidamo ku hubeysan gaadiid gaashaaman.

“Waxaa nahay hal waxaana sii ahaan doonnaa kuwa wadajira,” ayuu yiri Sisi markii uu xarigga ka jarayay kaniisadda cusub oo markiiba qaadi karta 8 kun oo qof.

Hirgalinta kaniisadan ayaa ku soo beegmaysa maalin ka dib markii qarax lala beegsaday meel u dhaw kaniisad ay leeyihiin dadka heysta diinta masiixiga dalkaas ee Qibdhiyiinta loo yaqaano.

Qibdiyiinta ayaa dalka Masar ka ah 10% isla markana dadka reer Masar aqlabiyadooda waa Muslimiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Diyaarado maanta warqado ku daadiyay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Dhaqtar Ajanbi ah oo ku xad gudbay Gabar Soomaaliyeed oo Muqdisho ka cararay

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi” Kenya kama aqbaleyno in ay noo adeegsato Dowlada Soomaaliya”

Cabdi Cade
Taboola Ads ---