Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Itoobiya oo amartay in lasoo xiro Getachew Assefa oo baxsad ku jira

Ciidamada booliiska iyo Sirdoonka Dowlada Itoobiya ayaa baadi goob xoogan ugu jira  sidii ay u soo xiri lahaayeen madaxi hore ee sirddoonka dalkaasi, Getachew Assefa, oo hada ku jira baxsad.

Madax katirsan Dowlada Itoobiya ayaa diyaariyay warqad lagu soo xirayo Getachew Assefa, oo lagu tuhmayo in uu galay dambiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha intii uu ahaa Madaxa sirdoonka Itoobiya.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Birhanu Tsega ayaa talaadadii fadhiga Baarlamaanka Itoobiya ka sheegay in ismaamulka Tigreyga ay qarinayaa Madaxii hore ee Sirdoonka Itoobiya Getachew Assefa.

Getachew Assefa ayaa baxsad galay markii dowlada uu hogaamiyo Abiy Ahmed bilowday in ay bartilmaameedsato saraakiishii hore ee lagu tuhmayo in ay galeen dambiyo ka dhan ah Xaquuqda bini’aadamka.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Qowmiyada Tigreyga ayaa ku eedeeyay dowlada Raisul Wasaare Abiy Ahmed in ay si gaar ah u beegsaneyso dadka kasoo jeeda Qowmiyada Tigreyga ee horey xilalka uga soo qabtay dowladii hore.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Dowlada oo kala shaki soo kala dhax galay iyo Masuul sare oo shaacisay in 7-dal ay…

Cabdi Cade

Xisbiyo xulafo la ahaa Madaxweyne Deni oo garabkiisa ka baxay (Akhriso)

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo keenay qorshe Xildhibaanada mar kasta ku imaan karaan kulamada golaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---