Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqaale aan caadi aheyn oo loogu deeqay macluusha ka taagan wadanka Yemen

Isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ee ka dagaalamaya dalka Yaman ayaa balanqaaday lacag dhan $1.5 bilyan oo doolar, taasoo loogu tala galay in wax lagaga qabto macluusha ka taagan dalkaas.

Deeqdani ayaa kordhinaysa baaxadda dekadaha dalka Yaman si looga soo dajiyo shixnadaha gargaarka, iyadoo sidoo kale la furi doono 17 goob oo marin u noqo doona hay’adaha gargaarka.

Saddex sano oo colaad ay ka socotay dalka Yaman iyo go’doomin ay soo rageen isbahaysiga Sacuudiga ayaa sababay waxa ay Qaramada Midoobay ugu yeertay dhibaatadii bina’aadanimo ee ugu darnayd ee caalamka soo marta.

Dadkan gargaarka u baahan waxaa ka mid ah 8.4 milyan oo qof oo aan haysan wax cunno ah kuwaasi oo macaluul qarka u saaran.

Sidoo kale dalka Yaman ayaa la dalaa dhacaya cudurka Daacuunka oo ka dilaacay dalkaasi, waxaana u dhintay muddo sanad ah in ka badan 2,244 qof.

Xulufadda uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa Yaman kula dagaalamaya kooxda Xuutiyiinta oo la sheego in ay taageero ka helaan dowladda Iiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo talaabo ka qaadeysa 4- Shirkadood oo dayacay Xujeyda

Cabdi Cade

Musharax Madaxweyne oo Shaaciyay Sababta dowlada saakay u xirtay Wadooyinka Muqdisho

Cabdi Cade

Shirkada Dahab Marina Beach oo magaalada Muqdisho looga dhawaaqay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---