Allbanaadir.com
NEWS

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geestay dalka Canada

Wararka ka imaanaya dalka Canada ayaa sheegaya in koox hubeesan oon wali heebtooda la garan ay rasaas ku fureen goob ay ku sugnaayeen dhalinyaro isugu jira Soomaali iyo ajaaniib kale.

Rasaasta goobtaasi lagu furay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen labo ruux oo mid kamid ah Soomaali yahay halka labada kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana labada dhaawaca ah mid kamid ah uu Soomaali yahay.

Ciidamada booliiska oo gaaray halka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in ay baarayaan rasaasta lagu furay goobtan ay ku sugnaayeen dhalinyaro kala duwan ay ku jireen kuwa Soomaali ah.

Dalka Canada ayaa sanadihii lasoo dhaafay lagu dilay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, waxaana dilalka dalkaasi dhalinyarada Soomaaliyeed loogu geesto Canada  mararka qaarkood fuliya dhalin yaro kale oo Soomaaliyeed.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xabsi cusub oo laga dhisayo Dhuusamareeb & Wasiir Fiqi oo dhagax dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Musefani oo shaaciyay in Magdhaw ka bixinayaan shacab askartooda ku laayeen Sh/Hoose

Cabdi Cade

Turkiga iyo Gariiga oo sameenaya Dhoolo tus sababi kara in ay isku dhacaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---