Dagaal culus oo ka dhacay degaanka Ceelka Geelow & askar nolol iyo geeri lagu la’ yahay

Dagaal culus ayaa galabta xiligii casar gaabadkii  ka dhacay degaanka Ceelka Geelow oo ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Milateriga Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Ceelka Geelow oo u dhaxeeya degmada Balcad iyo tuulada Qalimow.

Labada dhinac ayaa dagaalka isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud, iyadoo la maqlayey qaraxyo iyo tacshiirad xoogan oo la isweydaarsanayo.

Weerarka Al-Shabaab fariisinkan ku qaadeen oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab kala gaaray sida dad goob joogayaal ah sheegayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab ay cagta mariyeen amaba qabsadeen fariisinka ciidamada dowlada ee ay weerarka ku soo qaadeen.

Ugu yaraan labo askari oo ka tirsan ciidamadii dowlada ee halkaas ku sugnaa ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen dagaalkaas halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen dhanka Al-shabaab khasaaraha gaaray tirakoob sax ah lagama hayo.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyey waxaa nolol iyo geeri lagu lagu la’ yahay qaar ka mid ah askartii dowlada ee ku sugneyd tuulada Ceelka Geelow kuwaasoo aan la ogeyn in Al-shabaab ay nolosha ku qabsadeen iyo iney u firxadeen duurka.

Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ku heyso ciidamada dowlada ee ku sugan nawaaxiga degmada Balcad, maalmo ka hor ayeyna aheyd markii sidan oo kale ay weerareen fariisin ciidamada dowladu ku leeyihiin degaan 7-km woqooyi kaga began degmada Balcad.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka, Maamulka degmada Balcad iyo Al-shabaab midkoodna weli kama hadlin dagaalkii cuslaa ee ka dhacay gaolabta tuulada Ceelka Geelow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -