Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo ka tirsan Daacish oo la shaaciyey iney soo galeen gobolo ka tirsan dalka

Dowladda Somalia ayaa shaacisay in kooxda Daacish xubno ka mid ah ay soo galeen magaalooyin ka mid ah dcalka, isla markaana arintan ay dowladda Soomaaliya si dhow ula socoto.

Dowladda Soomaaliya ma shaacin in Magaalooyinka ay Daacish soo gashay, laakiin Daacish ayaa dhowr jeer sheegatay dilal ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo waliba Afgooye.

Wasiir dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa warbaahinta u sheegay in Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay ka doodeen qatarka Daacish iyo sidii looga hortegi lahaa.

Waxaa uu sheegay in xukuumada Somalia ay diyaarineyso qorshe ka dhan ah kooxda daacish ee ku sii faafeysa qeybo ka mid ah dalka, isagoo xusay in ciiidamada amaanku ay wadaan howlgalo kooxdaas lagula dagaalamayo.

Daacish Somalia ayaa ah koox markii hore ka go’day Al-shabaab, waxaana lagu aasaasay buuraleyda gobolka Bari iyagoo mudooyinkan kordhiyey weerarada AY ka wadaan koonfurta Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Feysal Cali Waraabe oo Xassan Shiikh ka dalbaday fulinta arrin la xiriirta Somaliland

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya oo yeeshay Iskaashi cusub oo muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga jawaabtay hadalkii kasoo yeeray William Rutu

Cabdi Cade
Taboola Ads ---