Muxuu ku saabsan yahay dalabka Axmed Madoobe u diray beesha caalamka?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Ciidanka Booliska soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda sanad-guuradii 75aad ee Aasaaskooda.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in awooda Booliska oo la xoojiyo ay wax badan ka tarayso nabadgalyada wadanka gaar ahaan falal dembiyeedyada ka dhaca Magaalooyinka isagoo ka codsaday beesha caalamka iyo dhinacyada taageera Soomaaliya in wadanka laga gacan siiyo dhismaha ciidamo adag oo Boolis ah.

Madaxweynaha wuxuu intaas ku daray in Ciidanka Boolisku ay yihiin Saaxiibka shacabka loogana baahan yahay in ay Bulshada saxiib dhow la noqdaan oo ay u kuur galaan Noloshoodo iyo wacyiga ay mar walba ku sugan yihiin.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka sheekeeyay waayihii hore iyo sida sumcada ciidanka Boolisku u ahayd mid lagu daydo isla markana hada la doonayo in midaas lasoo celiyo oo ciidanka Boolisku ay noqdaan kuwo lagu soo hirto.

Waxaa uu balan-qaaday in tayo ahaan iyo tiro ahaanba la kordhin doono si ay u xaliyaan mushaakiladka iyo shaqooyinka uu Boolisku leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -