Wararkii Ugu dambeeyay rabshadihii Baydhabo iyo ciidamada oo awood adeegsaday

Ciidamada booliiska magaalada Baydhabo oo gacan ka helayay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa awood u adeesaday sidii loo kala eryi lahaa qaar kamid ah shacabka Baydhabo oo maanta dhigayay banaan baxyo rabshado wata.

Magaalada Baydhabo ayaa maalintii sadexaad waxaa ka dhacay banaan baxyo rabshada watay oo ay dhigayeen dad ka careesan xarigii dhawaan loo geestay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah Musharaxiinta u taagan Doorashada K/Galbeed.

Ciidamada Itoobiya oo adeegsanaya dabaabaad iyo ciidamada booliiska Koonfur Galbeed ayaa awood ciidan u adeegsaday sidii loo kala eryi lahaa dadka banaan baxa ka dhigayay Baydhabo, waxa ayna ciidamada wali howlgalo ka wadaan qeybo kamid ah magaalada .

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada ay xabsiga dhigeen dad badan oo ka qeyb qaadanayay banaan baxa maalintii sadexaad ka socday magaalada Baydhabo, waxa ay sidoo kale ciidamada rasaas ku kala eryeen dadka kale ee banaan baxa dhigayay.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa hada lasoo sheegayaa in wax xoogaa ee dagan tahay, waxaana wali xiran ganacsigii iyo isku socodkii magaalada ka jiray, waxaana wali laga cabsi qabaa in mar kale dib u bilowdaan banaan baxyada rabshadaha wata.

Banaan baxyada rabshadaha watay ee magaalada Baydhabo ka socday ayaa sababay dhimashada Xildhibaan katirsan Koonfur Galbeed iyo shacab badan , waxaana banaan baxa Baydhabo uu sababay in ay xirmaan goobaha waxbarashada iyo ganacsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -