Ra’isul Wasaare Kheyre oo Shaaca ka qaaday in aan marnaba la cabsi gali karin !!

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo khudbad u jeediyay jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar ayaa weerar afka ah ku qaaday mucaaradka dowlada.

Kheyre ayaa si cad ugu sheegay shacabkii uu la hadlayay in aan dhax dhaxaad laga noqon karin masiirka umada Soomaaliyeed ,waxa uuna sheegay inta xukunka hayaan in aan la cabsi galin karin isla markaana aysan aqbali doonin in laga leexiyo dariiqa saxda ah.

“Inta aan annaga joogno xukunka, waxaan idin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nala cabsiiyo, in aan aqbali doonin in dariiqa saxda ah nagala leexiyo, in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna, inta aan angu madaxda nahay aniga ku hadlaya kayga iyo kan Madaxweynaha waxaan idiin sheegayaa sharafta aan raadineyno kama raadineyno qab qablayaal ee waxaan ka raadineynaa shacabka Soomaaliyeed” Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Kheyre.

Hadalkan adag ee kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya mooshin xil ka qaadis ah ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -