Wariyaal la toogtay xilli ay war tabinayeen iyo ninkii toogtay oo la qabtay

Nin hubeesan ayaa toogasho ku dilay wariye goob u  tagay tabinta war ku aadan dil goobtaasi ka dhacay, waxaa sidoo kale toogashadaasi uu dhaawac kasoo gaaray wariye kale oo isna goobta ku sugnaa.

Toogashadan oo ka dhacday degmada Orlando ee gobolka ee Mareykanka ayaa lagu dilay wariye u shaqeeya telefishin kuyaalla dalka Mareykanka iyo gabar yar oo 9-jir ah, waxaana toogashada lagu dhaawacay wariye kale iyo gabadha hooyadeed.

War kasoo baxay booliiska Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada gacanta ku dhigeen ninka hubeesnaa ee dilka geestay, waxa ayna booliiska xuseen in uu socdo baaritaano ku aadan toogashadan dhacday.

Guddoomiyaha maamulka Orange, John Mina ayaa sheegay in wariyaasha la toogtay xilli goobta u yimaadeen tabinta war , waxa uuna intaa raaciyay in wariyaashan gaarigii ay wateen uusan laheyn astaanta telefishinka.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa kusoo badanaya toogashada ay geestaan dadka hubeesan, waxaana inta badan toogashada dalkaasi ka dhaca sabab looga dhigaa in dadka shacabka ay hub guryaha ku heestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -