Dowladda Turkiga , ayaa heshiis is-afgarad la saxiixatay dalalka kuyaalla qaarada Afrika ee leh dekadaha , gaar ahaan dalalka ay ku yaallan xeebaha istiraatiijiga ah, waxaana dalalka heshiiskan la saxiixday dowladda Turkiga kamid ah dowladda Soomaaliya.
Heshiiskan Turkiga la saxiixday dalalka Afrika ee leh dekadaha istataaruiijiga ah , ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga dhinaca gaadiidka, kor u qaadista isku xirka ganacsiga, kobcinta wax-soo-saarka, iyo dhiirrigelinta dhaqaalaha guud ahaan gobolka.
Dowladda Soomaaliya, waxaa heshiiskan u saxiixay Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxa uuna Wasiirka sheegay in heshiiskan muhiim u yahay dalalka Afrika ee Soomaaliya kamid tahay.
”Maanta waxaa si guul leh noogu soo idlaaday saxiixidda heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee Jamhuuriyadda Türkiye iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee dalalka Afrika ee xeebaha leh” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Jaamac.
Wasiirka , ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay tallaabo muhiim ah oo mideyneysa dalalka Afrika ee leh xeebaha istiraatiijiga ah iyo Türkiye, waxa uuna xusay in heshiiskan dhigayo in si wadajir ah loo horumariyo kaabayaasha isku xirka, loona dhiso mustaqbal dhaqaale oo xooggan.
”Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa istaraatiijiyaddeeda kobcinta kaabeyaasha, waxaa naga go’an horumarinta dekedaha Soomaaliyeed, kuwaas oo ah il dhaqaale muhiim u ah dalka. Ujeeddadeennu waa in aan gaarno isku filnaansho waarta, loona abuuro fursado shaqo iyo horumar dhaqaale” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka bdadda iyo dekadaha Soomaaliya.
Soomaaliya, ayaa horey dowladda Turkiga ula saxiixatay heshiisyo badan oo Soomaaliya dan ugu jirta, Turkiga, ayaana ah dalka la siiyay qandaraaska baarista shidaalka Soomaaliya, waxa ay sidoo kale shirakado Turki ah maamulaan garoonka diyaaradaha iyo dekadda Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com