Ciyaartoy ka mid ahaa kuwa Premier League oo ku dhintay shil dayuuradeed (Sawirro)

Ciyaartoy ka mid ahaa kuwa ciyaara horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo la socday diyaarad yar ayaa la waayay xilli ay ku duuleysay hawada Jasiiradaha Channel Islands.

Emiliano Sala oo ah weeraryahan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka jooga £15 malyan oo gini ayaa isaga iyo duuliye la socotay diyaaraddaas la la’yahay tan iyo habeenimadii Isniinta.

Ciyaartoygan 28 jirka ah oo u dhashay dalka Argentina ayaa ka tirsanaa kooxda Cardiff City oo ku jirta horyaalka heerka koowaad ee dalka Ingiriiska.

Maamulka kooxda Cardiff City, oo Sabtidii laacibkan lacagtii ugu badneyd abid uga soo iibsatay kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ee Nantes ayaa sheegay in ay aad uga naxeen warkan.

Saraakiisha jaziiradda Guernsey ayaa sheegay inuusan jirin wax tixraac ah oo horseedi kara halka ay ku dambeyso diyaaraddaas oo ku wajahneyd magaalada Cardiff.

Madaxa hoggaaminaya howlgalka lagu raadinayo diyaaraddan John Fitzgerald ayaa sheegay inay aad u yar tahay rajada laga qabo in la heli karo qof ka nool labadii ruux ee la socotay diyaaraddaas oo illaa hadda aan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -