Allbanaadir.com
NEWS

Mashruuc ay ka faa’iidayaan 2 milyan oo qof oo Muqdisho lagu daah-furay

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daah furay Mashruuca Ugbaad oo ah barnaamij lagu horumarinayo beeraha si ay ugu adkeystaan isbeddelka cimilada ee Soomaaliya .

Mashruucan maanta laga daah-furay magaalada Muqdisho ayaana  la ansixiyay 24-kii Oktoobar 2024 intii lagu jiray kulankii 40-aad ee Guddiga Sanduuqa Caalamiga ah ee Cimilada (GCF) oo ka dhacay Songdo, Koonfur Kuuriya.

Mashruucan waxa uu ujeedkiisu yahay xoojinta adkeysiga bulshooyinka iyo nidaamyada beeraha si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada, iyadoo la kaashanaayo dadaalada dib u habaynta dhulka si loo yareeyo saameynta taban ee cimilada.

Waxaana la qorsheeyay in ay ka faa’iideysan mashruucan Ugbaad  ku dhawaad labo milyan oo qof, wuxuuna taageeri doonaa dib u soo celinta iyo maareynta waarta ee dhul wax soosaar leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas oo la soo baxday xeelad cusub oo ka nixisay Israel

Caydiid Ali

Dowladaha Britain iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis ka dhan ah Al-Shabaab

Caydiid Ali

Aqalka sare iyo QM oo kawada hadlay khilaafka DFS iyo dowlad goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---