Hay’adda Quwada Atoomikada caalamiga ah ee IAEA ayaa sheegtay in ka dib weerarkii lagu qaaday sadex xarumood oo Nuclear-ka Iran ah, oo Fordow ay ku jirto, aysan haba yaraatee arag wax dhibaato ah oo ka dhalatay.
“Wax koror ah oo ku yimid heerarka shucaaca ka baxsan goobta ilaa hadda lama hayo” ayaa lagu yiri warbixinta.
Sawiro uu qaaday Dayax-gacmeedka Maxar ayaa muujinaya in Iran ay warshada Fordow kala baxday qalabkeeda Nuclear-ka ee bacriminsanaa 19kii ilaa 20kii bishan, sida sawirada dayax-gacmeedka ka muuqda, taasoo ka dhigaysa duqeyntii Mareykanka Balaayiin Dolar oo khasaartay.
Hay’adda Quwada Atoomikada caalamiga ee Aduunka oo u janjeerta dhinaca Mareykanka, ayaa sheegaysa in uusan jirin wax shucaac ah oo ilaa hadda laga arkay goobaha la duqeeyey, taasoo ka dhigan in aan wax Nuclear ah goobaha la weerarayba oolin.
Sarkaal sare oo Iran ah ayaa aroornimadii duqeyntu dhacdayba sheegay in aay Fordow waxba oolin, sidaasoo kale Esfahan ayaa la ogaaday in ay dhulka hoose u qodan tahay oo aan horey loo ogeynba Tan oo dhan waxay ka dhigaysaa Mareykanka inuu wajihi doono haddii ay dhab noqdaan wararka fashil xooggan.
Marka laga hadlayo siyaasadda & jilitaanka wax badan ayaa ka dhexeeya, dhacdooyinka Barriga Dhexe-na siyaabo badan ayaa laysku fahmaa, maadaama ay wax badan isku xiran yihiin.
Maalmahan oo dhan waxaa loo hanjabayay in IRAN la gubi doono, Trump & Netanyaha waxay isku raacsanaayeen in Hawada Tehran ay iyagu haystaan oo si buuxda uga taliyaan, haddana saaka waxaa la xaqiijiyey 19kii bishanba in qalabkii Nuclear-ka ee dagaalka loo galay ay Iran rartay, iyadoo cidna ogaan oo hadda dayac-gacmeed laga ogaaday.
Wakaaladaha Carabta ilaa Reer Galbeedka, Al Jazeera, NBC iyo Reuters waxay Iran ka xaqiijiyeen in ay la baxday hubkii Fordow.